Deeq A. Posted February 3, 2020 Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay shaqaale samafal ah ay ka afduubteen degmada Beled-Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo. Wasiirka ayaa tilmaamay in shaqaalahaasi oo labo ahaa iyo gaadiid ay wateen laga qabtay duleedka degmadaasi, islamarkaana ay kaxeysteen dagaalyahanno ka tirsan Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in labadaasi qof ay u shaqeynayeen hay’ad maxali ah oo uu magaceeda ku sheegay Hirda. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shaqaalahaasi ay yihiin Soomaali, islamarkaana aysan garaneyn illaa iyo hadda meesha lala aaday. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay dadaal badan ku bixin doonto, sidii loo soo badbaadin lahaa labadaasi qof ee ka shaqeynayey dhanka samafalka. Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ayaa marar badan afduub ka geysatay gobolkaasi, kuwaas oo inta badan ay kula dhaq dhaqaaqeen shaqaale ka mid ah hay’adaha samafalka ee howlaha bani’aadanimo ka fuliya halkaasi. Share this post Link to post Share on other sites