Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska London Oo Toogtay Nin Mindi Ku Dhaawacay Saddex Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Ciidamada Booliska ee magaalada London ayaa toogtay nin dad ku weeraray wado mashquul badan oo ku taala koonfurta magaalada London.

Weerarka Mindida ah ayuu ku dhaawacay saddex qof, waxaanay ciidamada bileysku ay ku sifeeyeen oo ay la xidhiidhiyeen fal Argagixiso. Mid ka mid ah saddexda qof ee dhaawacmay ayaa xaaladd culus ku jira.

Waxaana markii dambe ciidamada bileysku ay ku toogteen badhtamaha wadada Streatham.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka ku hubaysnaa Mindidu uu galay dukaan kadibna uu bilaabay inuu dadka Mindida la dhaco ama ku weeraro.

110743833_-exsupermarket-400x225.jpg?res

Waxaanu dukaankaasi uu ka baxay kadib markii uu Mindida ku dhuftay haweenay.

Adeega gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay inay dawaynayaan saddex qof oo ku dhaawacmay weerarkaasi oo dhamaantoodba loo soo qaaday cusbitaalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this