Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Daroogada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC) Dr. Amado Philip de Andrés.

Labada dhinac Waxa ay diiradda saareen Xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo qeexaya qorshaha Qaran ee la dagaalanka maandooriyaha.

Muhiimadda iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe ayay ku sheegeen in ay yareyn karto ama ciribtiri karto walwalka laga qabo maandooriyaha oo halis ku ah nolosha dadka isticmaala.

Qaramada Midoobe ayaa taageero xooggan ku bixineysa ol-olaha ka dhanka ah maandooriyaha dalal ay kamid tahay Soomaaliya si wax looga qabto saameynta taban ee uu ku leeyahay nolasha Bulshada.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Daroogada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this