Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Soo Dhoweeyay Doorashada Qoorqoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Yamamota safiirka safaaradda mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa tagaarey doorashada maanta ka dhacday Galmudug isaga oo hambalyo u diray madaxweyne Qoorqoor

Yamamoto ayaa sidoo kale qof walba ugu yeeray inuu ka shaqeeyo xasiloonida islamarkaana laga fogaado wax kasta oo qalalaase keeni kara la iskuna yimaado.

Dhinaca kale safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku baaqay in xilligaan laga shaqeeyo sidii xoogga loo saari lahaa amniga dalka.

Doorasho maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor halka madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Daahir Ciid.

embmmmmmmmmmmmmmm.png

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this