Deeq A. Posted February 2, 2020 Cali Daahir Ciid oo u tartamayey xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kursigaasi ku guuleystay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Musharraxa guuleystay oo helay 46 cod ayaa la tartamay Cabdiqani Sheekh Cali Diini oo isna helay 31 Cod. Labadaan musharrax ayaa isugu soo haray wareega labaad oo aad u adkaa, waxaana ugu dambeyn guuleystay Cali Daahir Ciid oo horay uga mid ahaa shaqaalaha Villa Soomaaliya. Galmudug ayaa maanta yeelatay hoggaan cusub, waxaana madaxweynaha maamulkaasi ee afarta sano ee soo socota loo doortay, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). View the full article Share this post Link to post Share on other sites