Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeen cusub oo loo doortay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Daahir Ciid oo u tartamayey xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kursigaasi ku guuleystay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Musharraxa guuleystay oo helay 46 cod ayaa la tartamay Cabdiqani Sheekh Cali Diini oo isna helay 31 Cod.

Labadaan musharrax ayaa isugu soo haray wareega labaad oo aad u adkaa, waxaana ugu dambeyn guuleystay Cali Daahir Ciid oo horay uga mid ahaa shaqaalaha Villa Soomaaliya.

Galmudug ayaa maanta yeelatay hoggaan cusub, waxaana madaxweynaha maamulkaasi ee afarta sano ee soo socota loo doortay, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this