Deeq A. Posted February 2, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda oo saaka ka dhacay deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/Dhexe. Dagaalka ahaa oo mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Milatariga ay ku leeyihiin deegaankaasi oo ku yaalla wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday, islamarkaana ay guulo ka kala sheegteen labada dhinac. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay dileen ugu yaraan 7 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, shan kalena ay dhaawaceen. Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan ayaa sheegatay inay muddo kooban la wareegtay gacan ku heynta saldhigga uu weerarku ka dhacay. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay qaadeen iyo dagaalka xigay ay ku dileen 13 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal. Xaaladda deegaanka Qalimow ayaa hadda degan, waxaana gacanta ku haya ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaqyo ka bilaabay halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, isaga oo u sheegay inuu arkay meydadka illaa 8 qof. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/cc-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites