Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha Garoonka Jamaacadaha Oo Gebo Gebo Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa heer gabo ah soo gaaray dib u dayactirka ka Socda garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan wuxuuna garoonka  soo maray maraaxil kala duwan sanadihii lasoo dhaafay waxaana iminkana muuqanaysa bilicda iyo dib u habeynta ay ku sameeyeen madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.

Sequence-17.00_13_43_18.Still029-1024x76Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay talaabada naqshadeynta iyo horomarka ka socda gegida Jaamacadaha waxayna goobjoog u ahaayeen tan iyo bilaawgii ee mashruucan,guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in garoonka ay kasoo mareen dhibaatooyin badan.

9-1024x768.jpg

Waxaa inta uu socday qorshaha dib u habeynta garoonka lagu soo kordhiyay Xarun la doonayo in lagu  dhiska jirka ciyaartooyda Xulalka Qaranka ee loo yaqaano GM waxaana Xirirka talaabadan uu ku arkaa mid daboolidoono baahda kubbadda cagta iyo Wadanka uu la tartamo dalalka kale ee hormaray.
Sequence-17.00_13_43_18.Still030-1024x76

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaiyeed ee Kubbadda Cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa soo kormeeray guud ahaan qeybaha kala duwan ee garoonka wuxuuna Goobjoog u sheegay in dhawaan bahda Kubbadda cagta ay helayso garoonka casriya ee laga diyaariyay dhinac kasta wax badan dabooli doona.

Sequence-17.00_11_47_09.Still019-1024x76

Si kasta garoonka ayaa noqonaya kii labaad ay si casriyan u habeeyaan madaxda Xiriirka Kubadda Cagta  waxaana mashruucyada qurxinta garoomada dalka ka taageeraya Hayada adda K.Cagta Aduunka ee FIFA
img_023544_2018_1.jpg

Halkan Ka Daawo Dhismaha Garoonka Jaamacadaha Oo Gabo Gabo Ku Dhaw

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this