Deeq A. Posted February 2, 2020 Waxaa goor dhow si rasmi ah u bilaabatay doorashada madaxtinimo Galmudug oo ka dhaceysa xarunta Shiirkoole oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud. Doorashada oo isugu jira madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ku loolamaya illaa 9 musharrax oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Galmudug. Halkaan hoose ka aqriso magacyada:- Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha 1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 2: Cabdiraxman Axmed Sabriye 3: Axmed Shire Maxamed (falagle) 4: Axmed Cabdullaahi Samater. Sidoo kale musharaxiinta u taagan xil ka madaweyne ku xigeenka ayaa kala ah:- 1: Cali Daahir Ciid 2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) 3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi 4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) 5:Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. View the full article Share this post Link to post Share on other sites