Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland:  15 Qof Ku Dhimatay Dagaal Beeleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed labadii maalin ugu dambeysay ka socday galbeedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan oo u dhaxeeya beelaha Majeerteen iyo Cawra-male, waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo muran dhulka ah.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad beelo kale ah oo ku dhintay gaari la rasaaseeyey oo isla goobtaas ah.

Xildhibaan Maxamed Salaad oo ka tirsan kuwa deegaankaas oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka ay qeyb ka yihiin isla markaana ay hurinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, eedeyntaas oo Goobjoog aaney xaqiijin karin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this