Deeq A. Posted February 2, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaadka xabsiga guriga ku ah magaalada Muqdisho ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal iska soo duubay ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan khilaafaadka hareeyey doorashada maamulkaasi. Sheekh Xasan Daahir ayaa marka hore dhaliilay qorshaha dowladda ee dhismaha Galmudug, isagoo tilmaamay inay si qaldan ay u wajahday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dadkii mudnaa ee aqoonta lahaa arrimaha Galmudug aan loo dirin Dhuusamreeb, si loo qaboojiyo xiisada magaaladaasi. Wadaadka ayaa sidoo kale xusay inuu si aad ula socday safarkii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kharye ee deegaanada Galmudug oo uu tilmaamay in aysan waxba ka soo bixin. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in reer Galmudug ay yihiin dad firfircoon, islamarkaana aysan yeeleyn juujuub , loona baahan yahay in laga shaqeeyo danaha guud. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada Galmudug, islamarkaana laga tago dano gaar ahaaneed ee la’isku hayo, si loo dhiso maamul mid ah. Galmudug ayaa haatan ku jirta xaalad is mari waa ah, waxaana la filayaa in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka mamaulkaasi oo ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka lagu qanto degmada Dhuusamareen ee gobolka Galgaduud. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Xasan-Daahir.mp3 Share this post Link to post Share on other sites