Deeq A. Posted February 2, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Xiisada lagu soo warramayaa inay u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi, kuwaas oo iska dilay illaa 9 qof. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Jubbaland oo ku baxday xiisadaasi ay xabsiga dhigtay illaa 12 qof oo lagu eedeeyey hurinta colaadaasi. Dhinaca kale siyaasiga Maxamed Salaad oo ka soo jeeda deegaanada Jubbaland oo la hadlay Shabelel ayaa baaq u diray dhinacyada diriraya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Jaamac-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites