Sign in to follow this  
Deeq A.

XAAF: Doorashada ka dhacaysa Dhuusamareeb waxay la mid noqoneysaa midii Cadaado ee Axmed Baasto lagu doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo warbaahinta ugu warramayey degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Muduh ayaa ka hadlay doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xaaf ayaa sheegay in doorashadan ay la mid noqoneyso midii horay Cadaado loogu qabtay ee lagu doortay Axmed Baasto, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan waxba soo kordhineyn, islamarkaana ay tahay doorasho la soo dhoo-dhoobay

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka badbadisay, islamarkaana dad laga soo qaaday Xamar ay ka dhigtay xildhibaano, iyada oo ay joogaan kuwiii Galmudug ee deegaanka lagu doortay.

“Dowladda ayaa wadata xildhibaanada wax dooranaya iyo madaxweynaha la dooranaya”. ayuu yiri Xaaf.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in weli uu yahay madaxweynaha sharciga ah, isla markaana waqti ahaan 15-bilood ay uga harsan tahay muddo xileedkiisa.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadaha soo socda ee maanta doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb oo haatan laga dareemayo qaban qaabo xoogan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Co-Xaaf.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this