Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay shaqo ay hay’ad Turki ah ka wado Muqdihso

Recommended Posts

Deeq A.   
C4nEzoHWYAATCPK.jpg?w=1000&ssl=1Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Darueelka Bulshada Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in uusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo kala dhexeeyo hay’adda Yardimeli oo laga leeyahay dalka Turkiga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay xustay in aysan u dulqaadan karin in kaalmada bani-aadanimo iyo taakulada Turkigu ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah, lagana dhigto deeqahaas kuwo laga macaasho oo ganacsi laga dhigto, iyadoo dadka Soomaliyeed baahi wayn u qabaan adeegyada caafimaad oo ay ugu deeqeen walaalohood Turkida ah.

Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in ay mas’uul ka tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka, ayna jirin qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku soo gabagabaysay in dadka u bareeray jabjnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta ay ka qaadayso tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.

FB_IMG_15805771558241645.jpg?w=1000&ssl=

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay shaqo ay hay’ad Turki ah ka wado Muqdihso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this