Deeq A. Posted February 1, 2020 Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka arimiyaan kooxda Al-Shabaab. Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa tilmaamay in dowladdu ku fashilantay in ay wax ka qabato ammaanka magaalo madaxda. Dhanka kale, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa daboolka ka qaadey in ay doonayaan in doorashada 2020-21 noqoto mid hufan. Hadalkaan ayuu ka sheegay magaalada London, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Sikastaba ha ahaatee, Shariif ayaa kamid ah murashaxiinta u taagan doorashadda Soomaaliya ee sanadka dambe oo qorshuhu yahay in ay noqoto qof iyo cod. View the full article Share this post Link to post Share on other sites