Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Maanta Dad Shacaba Ku Dishay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta dad shacaba waxa ay ku dileen agagaarka isgoyska Ex-kontorool Balcad ee magaalada Muqdisho.

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidanka AMISOM ayaa rasaas oodda uga qaaday gaari BL ah oo ku socdaalayay wadadaasi ka dib markii qarax lala eegatay ciidanka midowga Afrika waxana rasaastaasi ka dhalatay khasaare nafaeed.

Inta la xaqiijiyay seddex qof ayaa ku geeriyootay rasaasta ay rideen ciidanka AMISOM oo laba ka mida ay ahaayeen dumar halka qofka kalane uu ahaa darawal.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Heliwaa ayaa soo gaaray goobta iyaga oo ishor istaag ku sameeyay ciidankii dhibaatada geystay waxaana ilaa haatan xiran wadadii maanta qaraxa lagula eegtay AMISOM.

Inta badan ciidamada howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa falal arxan darro ah waxa ay u geystaan shacabka iyada oo dowladduna aysan arrinkaasi tallaabo ka qaadin

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this