Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif: Muqdisho waxaa ka taliyo Al-Shabaab, waxaana caddeyn u ah…”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay awood buuxda ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyaga maamulaan.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan ka talin inta badan Magaalada Muqdisho isagoo taas sabab uga dhigay inay AL-Shabaab canshuur ka qaadaan dhammaan ganacstada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Hey’adaha Dowladda.

“Shabaab maanta magaalada Muqdisho iyaga ayaa ka taliya dowladdu magaalada kama taliso xaqiiqda taas waaye canshuur ayay ka qaadaan ganacsatada bal hey’adaha dowladda ugu muhiimsan ayay canshuuraan” ayuu yiri Sheekh Shariif

Sheekh Shariif ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay lacagtii dalka ku bixiso sidii loo aflagaadeyn lahaa madaxdii dalka horey usoo martay iyo siyaasi kasta oo ka fikir duwan sida uu hadalka u dhigay.

“Dowlad iyada dadka caaynaysa oo xoolihii qaranka ku bixinaysa in dad la caayo dowladdu waxaan rabnaa in ay ka shaqeyso wixii loo wakiishay waxaa loo wakiishay ummadda in ay mideyso, aminga ka shaqeyso iyo in dhaqaalaha la hormariyo taas ayaa loo wakiishay” Ayuu yiri Shiikh Shariif.

Sheeekh Shariif oo dhanka kale ka hadlay doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo ayaa sheegay inaysan doorasho dhici karin iyadoo aysan jirin isfaham siyaasadeed iyo mid xasilooni.

“Doorasho marka la rabo in la sameeyo waa sifaham siyaasiya in uu jiro waa in ay jirto xasilooni doorasho lagu qaban karo doorasho qof iyo coda haddii la qabanayo dalka waxaa loo baahanyahay in nabad laga dhigo iyo in dadka la isku keeno” ayuu sii raaciyey.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadayo xilli Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaraadka ay ka hor imaadeen qaabka doorasho oo ay dooneyso Dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this