Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay Heliwaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Heliwaa ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax miino uu ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad ee degmadaasi.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku socdaalayey dhabahaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ciidamadu ay fureen rasaas, taas oo la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhowaa halkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey qaraxaas iyo rasaasta xigtay khasaaraja ka dhashay.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/cc.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this