Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Dhuusamareeb oo si aad ah loo adkeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in si xoogan loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi, iyadoona jidadka lagu arkayo ciidamo dheeraad ah.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale bilaabay howlgallado lagu baarayo gaadiidka iyo daddka saaran intaba.

Ujeedada baaritaanadaan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo beri ka dhaceysa halkaasi.

Sidoo kale qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dhanka kale waxaa weli taagan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana la filayaa in beri Axad ah la doorto madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this