Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Africa oo taageero u ballan qaaday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Africa oo taageera howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaliya ayaa taageero ballaaran u balan qaaday Soomaaliya, xilli kun askari oo ka mid ah howgalka AMISOM la dhimayo bishan Febraayo ee sanadka 2020-ka

Go’aanka ku aadan dhimista 100-ka askari oo kamid ah howgalka AMISOM ayaa waxaa gaaray madaxa guddiga nabadda iyo amniga ee midowga Africa.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay ururkan ayaa lagu sheegay inay qiimeyn doonaan xaaladda amaan ee goobaha ay baneeyaan kunka askari ee ladhimayo, haddii loo baahdo ciidamo dheeraad ahna ay kala shaqeyn doonaan dowlada Soomaliya.

Si kastaba ha’ahaatee 28-ka bishan Febraayo ayaa la filayaa in 1000-ka askari ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay isaga baxaan Soomaaliya,taas oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay uga bexeyso guud ahaan dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this