Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo bilowday baaritaanka Corona Virus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya  garoonka diyaaradaha General Mohamed Abshir ee caasimadda Garoowe ka daahfurtay, baaritaanka dadka ka imaanaya dibada, si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa koox caafimaad ah geeyay garoonka diyaaradaha, si baaritaan loogu sameeyo dadka garoonka imaanaya kana imaanaya dalka dibadiisa. Dadka ayaa laga baarayaa cudurka Corona Virus.

Baaritaanka ayaa  lagu bilaabay diyaarada Ethopia Airline oo rakaabkii saarnaa  dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad.

Wasiirka Wasaaradda Puntland Jamac Farax Xasan ayaa ka hadlay sida baaritaanku u socdo “waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro cudurka Corona Virus” ayuu yiri Wasiirka.

 “Waxaa wasaaraddu diyaarisay, kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad, oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.” Ayuu sii raaciyay.

  • 10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo bilowday baaritaanka Corona Virus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this