Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta oo Sabtiya  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulanka madaxweynaha iyo safiirka looga wada-hadlay, xoojinta xiriirkaa wada-shaqayneed ee Midowga Yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, iyo sidoo kale taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada Somaliland.

War-saxaafadeedku wuxuu intaasi sii raaciyay in kulanka sidoo kale looga hadlay  arrimaha doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay Midowga yurub ku taageeraan Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha Somaliland, waxa kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta, Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).

1-1.jpg?resize=1000%2C756&ssl=1 2-1.jpg?resize=1000%2C1104&ssl=1 3-1.jpg?resize=1000%2C497&ssl=1 4-1.jpg?resize=1000%2C509&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this