Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

FB_IMG_1580552374067.jpg

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this