Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasi ah oo weli ka socda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda Galmudug.

Kulamada ah kuwa xasaasi ayaa waxa ay u dhexeeyaan guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi, gaar ahaan kuwa diidan ka qeyb galka doorashada madaxweynaha ee lagu wado in la qabto beri oo axad ah.

Sidoo kale qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota Dhuusamareeb, taas oo ku aadan qabsoomida doorashada madaxweynaha iyo ku xigeeniisa.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this