Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya oo shir uga qeyb gashay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafti ka socday Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo ay wehelinayeen guddiyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee labada Aqal Baarlamaan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee is-dhex-galka Ganacsiga ee dalka Pakistan iyo Wadamada Afrika oo Khamiistii ka furmay magaalada Nayroobi.

Shirkan oo ay marti-gelisay dawladda Kenya sidoo kale na uu daah-furay Madaxweynaha dalkaasi, ayaa socday muddo laba cisho ah iyada oo ay ka soo qeyb-galeen wadamo badan oo ka socday Afrika, waxaana loogga hadlay sidii wadamada Afrika iyo dalka Pakistaan ba ay u wadaagi lahaayeen fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee dal walba.

Waftiga ka socday Soomaaliya, ayaa halkaas dawladda Pakistaan iyo wadamada kale ba kula wadaagay fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya kuwaasi oo dhinacyadu ay ka sameyn karaan iskaashi kor-u-qaada dhaqaalaha wadamada.

3eadb432-e9b1-4a24-923f-05e7575f66fa-102 3ff554ac-06e4-4516-b435-59189b3ec854.jpg 85adcebd-1700-4bba-bfb6-91f21828c476-102 252c157d-e899-476b-8722-a69d2fcf4123.jpg c26ddd54-dc6a-4872-ad31-f5defdc7f95a.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this