Deeq A. Posted February 1, 2020 Faha faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo goor dhow ka dhacay isgoyska Xoosh degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qarax ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Kaxda, C/naasir Xasan Cali. Wararka qaar ayaa sheegaya qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ilaalo u aheyd mas’uulkaasi, isaguna uu ka soo gaaray dhaawac fudud. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com: kala soco wixii soo kordha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites