Deeq A. Posted February 1, 2020 Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka ee Maanta ayaa ah Sharciga doorashooyinka oo dhawaan ay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xildhibaanada Aqalka sare ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka Qaranka waxaana la filaayaa in ay meel mariyaan kadib markeey mariyaan akhrinta saddexaad. View the full article Share this post Link to post Share on other sites