Deeq A. Posted February 1, 2020 Ciidamada Amniga dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay adkeeyeen Ammaanka guud magaalada Dhuusamareeb xilli halkaas looga diyaar garowbayo doorashada lagu muransanyahay. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan baraha Control ee magaaladaasi baaritaannada oo lagu samaynayo gaadiidka iyo dadka saaran. Sidoo kale ciidamada ayaa xadiday dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta Shiirkoole oo lagu wado in lagu qabto doorashada Galmudug. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota halkaasi, taas oo lagu wado in la qabto beri oo Axad ah kuna beegan waqtigii loo asteeyey. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kulamo siyaasadeed weli ay ka socdaan Dhuusamareeb kuwaas oo xal loogu raadinayo khilaafka taagan. PUNTLAND POST The post Amniga Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites