Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Goodax oo haddana Jaamacadaha dalka ku amray in aysan aqbalin Ardayda Reer Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Goodax-Barre-1.png?w=1000&ssl=1Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre

Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa mar kale ku celiyay in Ardayda Puntland ee ka baxday Dugsiyada Sare, aysan heli doonin Shahaadada Heer Federaalka.

Wasiir Goodax, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka, aysan shahaado siin Karin Arday aan gelin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaaraddaasi, islamarkaana aysan aqoonsan doonin Shahaadada uu wato Ardayga ka yimaada Puntland.

Mr Goodax, ayaa sidoo kale tilmaamay in uu Jaamacadaha dalka gudihiisa ku amray , in aysan aqbalin Arday aan gelin Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee heer Federaal, isagoo ku hanjabay in Jaamacaddii amarkaasi jebisa laga qaadi doono tallaabo adag, oo ah in lagala noqdo Aqoonsiga.

Sidoo kale, wuxuu ku cel-celiyay in Ardayda Reer Puntland aysan marnaba arki doonin Shahaadada heer Federaal, haddii aysan gelin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaraddiisa, taasina ay tahay mowqif adag oo uu difaacayo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in Wasiirada Waxbarashada ee dowlad goboleedyada kale ay ku cadaadiyeen, in uusan aqoonsan Shahaadada ay bixiso Wasaaradda Waxbarashada Puntland, go’aankaasina uu yahay mid lama taabtaan ah sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Wasiir Goodax oo haddana Jaamacadaha dalka ku amray in aysan aqbalin Ardayda Reer Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this