Deeq A. Posted January 31, 2020 Kismaayo (SMN) – Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland. Fariin uu soo dhigay baraha bulshadda ayuu is-casilaadiisa sabab uga dhigay baxshadda Cabdirahsiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland. Hoos ka akhriso qoraalkiisa “Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga. Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego”. View the full article Share this post Link to post Share on other sites