Deeq A. Posted January 31, 2020 Muqdisho (SMN) – Saddex Carruur ah oo ay Laba ka mid ah Walaalo ahaayeen ayaa Shalayto ku dhimatay Baraag ay Biyo ku jiraan oo ku taalla degaanka Laasa-Caanood oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee Dhulka Soomaalida Itoobiya. Ilamahan oo dhammaantood Wiilal ahaa ayaa lagu kala Magacaabi jiray, Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7 Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini oo 6 Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4 jir ahaa. Carruurtan oo kasoo jeeda Qoys reer Miyi ah ayaa la sheegay in ay la joogeen Nirgo Geela laga reebay xilligii ay Baraagta ku dhacayeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites