Deeq A. Posted January 31, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka falceliyey cabashadda laga gudbiyo safaaradaha. “Safaaraduhu waxay u sameysan yihiin in ay u adeegaan dadka Soomaaliyeed, cabasho way imaan kartaa, laakiin mararka qaarkii dadku waxay dalbadaan waxa aysan awoodi karin safaaradu,” ayuu yiri wasiirku. Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr Cawad ayaa daboolka ka qaadey in aysan jirin waqti xaadirkan wax cabasho ah oo loosoo gudbiyey. Dhanka kale, wasiirka ayaa ku nuux-nuux saday in mowqifka Soomaaliya ee kiiska badda uu yahay in ay go’aamiso Maxkamadda ICJ. Ugu dambeyntii, wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ah ay dedaal badan ku bixineyso sidii xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ku xiran qaar kamid ah dowladdaha caalamka ee loo haysto dambiyo kala duwan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites