Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo xaqiijisay in Janan uu gaarey Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo, Jubaland – Jubaland ayaa shaaciyey in wasiirkii amniga maamulkaas, Cabdirashiid Janan, uu maanta gaarey Kismaayo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Janan ay dekadda Kismaayo ka dejisay doon ay ku wehliyeen mas’uuliyiin aan la shaacin magacyadooda.

Janan oo loo gudbiyey xarunta Madaxtooyadda Jubaland ayaa qorshuhu yahay in uu hadlo saxaafadda.

28-kii Janaayo, 2020, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Janan uu ka baxsaday xabsiga uu ku xirnaa.

Bishii August, 2019 ayay ahayd markii Janan laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda caasiamdda Itoobiya ee Addis Ababa.

Booliska Soomaaliya ayaa tibaaxay in loo haysto dambiyo culus oo uu ka geystay gobolka Gedo, sidda uu hadalka u dhigay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayuu hal jeer kasoo muuqday 6-da bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wasiir-Janan.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this