Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Carruur ah oo ku dhimatay Baraag ku taalla Miyiga Shilaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka soo warrantay in Saddex Carruur ah oo ay Laba ka mid ah Walaalo ahaayeen ay Shalayto ku dhimatay Baraag ay Biyo ku jiraan oo ku taalla degaanka Laasa-Caanood oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee dowlad degaanka DDS..

Ilamahan oo dhammaantood Wiilal ahaa ayaa lagu kala Magacaabi jiray, Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7 Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini oo 6 Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna  4 jir ahaa.

Carruurtan oo kasoo jeeda Qoys reer Miyi ah ayaa la sheegay in ay la joogeen Nirgo Geela laga reebay xilligii ay Baraagta ku dhacayeen.

PUNTLAND POST

The post Saddex Carruur ah oo ku dhimatay Baraag ku taalla Miyiga Shilaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this