Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo heshiis dhanka kheyraadka Biyaha ah la gashay Marooko

Recommended Posts

Deeq A.   
Heshiiska.jpg?w=1000&ssl=1Soomaaliya iyo Marooko oo heshiis cusub gaaray

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Fowsiyo Maxamed Shiikh, ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada dalka Marooko Abdelkader Amara, waxaan ay  ka wada hadleen in Iskaashi Laba geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareynta  khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan.

Wakaaladda SOONA, ayaa ku warrantay in Labda Wasiir ay ku heshiiyeen  in la dhiso Guddi Farsamo oo ka arrimiya  sidii Soomaliya looga taageeri lahaa,  xirfadaha aqoonta la xiriirta horumarinta Biyaha ,  ilaalinta aaggaga dhowrsoon  iyo sidii loo joogteyn lahaa Biyaha.

Sidoo kale, waxay Wasiirradu ka wada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa qalabka fududeeya maareynta Biyaha, sida yaraynta fatahaadaha iyo ka faa’iideysiga Biyaha Roobka.

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa intaas ka dib booqatay goobo ay dowladda Marooko ka fulisay mashaariic lagu horumarinayay isticmaalka Biyaha oo ay ka mid yihiin Biya-xireenno.

Biyo xireennada ay Wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen ayaa ahaa kuwo ay dowladda Marooko u isticmaasho Koronto dhalin, waraabinta Beeraha, Biyo gelinta Magaalooyinka iyo arrimo kale kale.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo heshiis dhanka kheyraadka Biyaha ah la gashay Marooko appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this