Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cabdirashiid Janan oo maanta gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubaland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib loo gudbiyey madaxtooyada Jubaland oo uu hadda ku sugan yahay.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana marar badan soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubaland weli war rasmi ah kama soo saarin tegintaanka Jana nee Kismaayo, balse waxaana hadda ay leeyihiin wada-tashiyo ku saabsan qaabka ay arrintan u shaacinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this