Sign in to follow this  
Cowke

Buhodle Graduation Ceremony. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Xaflad qalin Jebin ah Oo Ka Dhacdey Machadka OTTIB ee degmada Buuhoodle (Sawiro)

July 7, 2010

0 comments | leave your own!

 

Munaasabad qalin jabin ah oo si wayn loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

 

Munaasabadaas oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta Ururka SSC,Culima’udiin,waalidiin, Ururada bulshada,dhakhaatiir iyo dhamaan qaybaha bulshada ayaa waxaa halkaa ardayda ku gudoonsiiyey shahaadada Hogaanka sare ee SSC Dr.Saleebaan Ciise (XagloToosiye).

 

Munaasabadaas oo kusoo dhamaatay si guul ah una qabsoontay si habsami iyo farxadi ku jirto ayaa markii ugu horeysay waxaa hadal dheer ka jeediyey hogaanka sare ee SSC Dr.Saleebaan Ciise Axmed,iyadoo sidoo kale microphone-ka lagu soo dhaweeyey kuxigenkiisa Col.Cali Sabarey oo labada masuulba ay halkaas kasoo jeediyeen hadalo qiime gal ah oo dhinacyo badan taabanaaya.sidoo kale waxay aad ugu hambalyeeyey ardada ka qalin jabinaysa dufcadii 1aad ee machadka OTTIB kuna booriyeen inay sii wataan dadaalkooda kuu aadan waxbarashada.

 

Waxaa kaloo halkaa isaguna ka hadlay Dr.Xuseen Dheere isagoo sheegay inuu ardaydaa ka caawin doono dhinaca practical-ka ama tababarka dhammaantoodna ay ka shaqa geli doonaan sida uu hadalka u dhigay cusbitaalka wayn ee magaalada Buuhoodle (Daryeel Hospital).

 

 

Hadaba Machadka OTTIB ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn isla markaana ay ka qalin jabiyaan arday noocan oo kale ah.

 

Ardayda qalin jabisay ayaa tiradoodu waxay gaadhaysaa ilaa 20 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, ardaydan ayaa dhamaystay course hal sano ah oo ay ku baranayeen Culuumta Caafimaadka hadaba barayaasha dugsigan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaaalkooda ku aadan tayeynta iyo kor u sii qaadista arimaha la xidhiidha caafimaadka ilaa inta karaankooda ah.

 

Si kastaba ha ahaatee xafladan oo soconaysay muddo saacado ah ayaa ku soo gebagebowday riwaayad ay soo bandhigeen ardayda kale ee wax ka barata machadkaas oo aad loogu wado riyaaqay.

 

Axmedkayd Ibraahin Japan

 

Buuhoodle

 

Xagle-toosiye.jpg

 

DSCF7426.jpg

 

DSCF7414.jpg

 

DSCF7437.jpg

 

DSCF7415.jpg

 

DSCF7423.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this