Deeq A. Posted January 31, 2020 Afgooye (SMN) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye. Weerarka ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labadda dhinac, kaasoo ka dhashay khasaaro kala duwan. Ma cadda waxyeeladda guud ee ka dhashay iska hor-imaadka oo wararku qeexayaan in uu ahaa mid leysku adeegsaday hub kala duwan. Dadka degaanka ayaa tilmaamay in ay maqleen daryenka hub culus, wallow ay ka gaabsadeen khasaaraha guud. Laamaha ammaanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin isku dhaca, oo lagu qeexay mid ka dhacay xaafadaha ku teedsan Webiga Shabeelle. Degmadda Afgooye oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho ayaa inta badan weeraro noocaan ah kala kulanta xarakada Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites