Deeq A. Posted January 31, 2020 Muqdisho (SMN) – Sheekh Isxaaq Mursal [Gees-dheere], gudoomiyaha Ahlu Sunna garabka Koonfurta Soomaaliya ayaa ka hor-yimid doorashadda Sheekh Shaakir. Shaakir ayaa la sheegay in loo doortay madaxweynaha Ahlu Sunnada ku sugan magaaladda Dhuusamareeb. Mr Gees-dheere oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay caasimadda maamul goboledka Galmudug aysan talo ku lahayn. Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay aqoonsan yihiin doorashadda dowladdu ka waddo guud ahaan degaanada maamulkaas. Wuxuu ka digay in Galmudug loo horseedo dhibaato horleh iyo qalalaaso, isagoo soo jeediyey in lawada hadalo oo xal laga gaaro. Dhowaan ayay ahayd markii Dhuusamareeb ay ka dhacday doorasho la sheegay in Sheekh Shaakir loogu doortay madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna. View the full article Share this post Link to post Share on other sites