Deeq A. Posted January 31, 2020 Muqdisho (SMN) – Howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM aya ku dhawaad kun askari ka dhimi doona bisha labaad ee Febraayo ciidamada qeybta ka ah howgalka AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Kulankii 29-aad ay yeesheen gudiga howgalada ee AMISOMoo ay marti galisay dowlada Uganda ayaa lagu qabtay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi Uganda,waxaana shirkaasi shir gudoomiyay madaxa nabada iyo amniga ee midowga Africa Smail Chergui. Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil sar sare oo qeyb ka ah howgalka AMISOM oo ka socday wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda ,Ghana iyo wakiilo ka socday dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay.Midowga Yurub,dowlada Mareykanka,booqrtooyada Ingiriiska Ruushka iyo Turkiga oo dhamaantood kulanka lagu casuumay. Golaha ayaa u codeeyay in la dhimo ciidamada jooga Soomaaliya ee howgalka nabad ilaalinta AMISOM qeybta ka ah,balse uu golaha albaabada u furo in dib looga fiirsan karo go’aankaasi hadii ay xaalada amaan ee goobaha ay ciidamadaasi ka baxeen ay ka darto. Midowga Africa ayaa bishii Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay kun askari ka dhimay howgalka uu taageero ee nabad ilaalinta AMISOM,ciidamadaasi oo isaga baxay deegaano ka tirsan maamulka Hirshabelle,balse markale AMISOM ayaa kun askari ka dhimeysa ciidamada ka jooga Soomaaliya. Ugu danbeyn, sanadkii 2017 ayuu qorshaha ahaa in ay AMISOM ay bilawdo qorshaha ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya,balse howgalka AMISOM ayaa soo jeediyay in dalka doorasho ay kusoo wajahantahay sidaas darteedna ay muhiim tahay joogitaankooda,balse AMIOSM ayaa hada wada qorshaha amaanka dalka ay ugu gacan galinayaan ciidanka xooga dalka,iyagoo sanadihii ugu danbeeyay isaga baxay goobo ay daganaayeen dhowr iyo toban sano kahor markii ay yimaadeen Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites