Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo war cusub kasoo saartay weerarkii Manda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend oo su’aalo ay weydiinayeen xildhibaanada aqalka senatka ee Mareykanka ayaa faahfaahino ka bixiyay sidoo kalana suaalo laga weydiiyay howgalada Mareykanka ee dalal ay ku jirto Soomaaliya

Haweeneey lagu magacaabo Martha McSally oo ka tirsan xildhibaanada aqalka senatka ee Mareykanka ayaa taliyaha ciidamada Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend weydiisay su’aalo ku saabsan weerarkii Al-shababa horaantii bishan ay ku qaadeen xero Mareykanka uu ku leeyahay dalka Kenya.

Haweeneyda ayaa weydiisay taliyaha howgalka AFRICOM,hadii weerarkaasi looga adkaaday iyo sidoo kale tilaabada xigta uu qaadayo kadib weerarkii Al-shabaab ee xerada Manda Bay oo ku taala magaala xeebeedka Lamu ee woqooyi bari dalka Kenya ,halkaas askar looga dilay Mareykanka.

Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend oo su’aashaasi ka jawabiyay ayaa sheegay in Al-shabaab ay gudaha usoo galeen xerada Manda,ayna u suurta gashay in ay dileen sadex askari oo American ah,isla markaana ay burburiyaan lix diyaaradood,waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamadii ku sugnaa xeradaasi aysan sidii loogu tala galay ugu diyaarsaneen xiligaasi weerarka,balse ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaasi faahfaahina ay ka bixin doonaan.

Ugu danbeyn, Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this