Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku dhawaaqday baaritaanno la xiriira Caabuqa Corona virus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska dowladda Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, ayaa ka warbixiyay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah oo looga hadlay; Arrimaha  Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Boosaaso.

Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay in Goluhu warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Caafimaada Puntland, warbixintaasi oo la xiriirta halista Caabuqa dilaaaga ah ee Coronavirus oo ka dillaacay waddanka Shiinaha, balse ku sii faafaya dalalka ee Dunida.

Mudane Sabareey waxa uu sheegay in wasaaradda Caafimaadka Puntland, ay garoomada Diyaaradaha geysay qalab iyo Shaqaale Caafimaad oo baaritaanno ku samayn doona dadka kala duwan ee dibadda ka imaaanaya, gaar ahaanna dadka ka imaanaya dalka Shiinaha ee ku soo degaya Garoomada Puntalnd.

Hoos ka daawo hadalka wasiirka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ku dhawaaqday baaritaanno la xiriira Caabuqa Corona virus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this