Deeq A. Posted January 30, 2020 Gaalkacyo (SMN) – Garabka Xaaf ee Galmudug ayaa maanta gudoon baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeen ku doortay Gaalkacyo. Wararka ayaa sheegaya in Xareed Cali Xareed ay u doorteen afhayeenka Golaha Wakiiladda maamul goboleedkaas. Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ay sidoo kale doorteen laba gudoomiye ku xigeeno oo uu yeelanayo baarlamaankooda. Dhanka kale, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, oo kamid ahaa wasiiradii Xaaf, ayaa isana loo doortay madaxweyne ku xigeen. Tani ayaa ka dhigan in Galmudug ay haatan ka jiraan saddex baarlamaan oo kawada shaqeynaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Dhinaca kale, kulamo siyaasadeed oo xal-raadin ah ayaa la sheegayaa in ay ka socdaan magaaladda Dhuusamareeb kadib jahwareerkii shalay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites