Deeq A. Posted January 30, 2020 Luuq (SMN) – Saddex diyaarado oo sidday ciidamo ayaa la sheegay in ay maanta gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo. Askarta ayaa lagu waramay in ay tababar ku qaateen magaalooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee isla gobolkaas. Ujeedka loo geeyay Luuq ayaa lagu macneeyay in ay tahay sidii loogu qeybin lahaa hub, maadaama tababarku u dhamaadey. Talaabada ciidamada loogu geeyay Gedo ayaa kusoo aadeysa iyaddoo isqabqabsi dhanka maamulka uu ka jiro degmooyin. Loolanka ayaa u dhaxeeya dadka mas’uuliyiin ay soo kala magacaabeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites