Deeq A. Posted January 30, 2020 Beledwayne (SMN) – Maamulka HirShabelle ayaa xaqiijiyey in ay korodhay dadka uu gobolka Hiiraan kusoo ridanayo cudurka Shuban-biyoodka. Cabdi Macalin, wasiirka caafimaadka HirShabelle, ayaa sheegay in illaa iyo haatan ay xaqiijiyeen geerida sideed ruux. Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar ugu fidin lahaayeen bukaanadda. Dadka u geeriyooday cududrkaan ayuu hoosta ka xariiqay in ay isugu jiraan caruur iyo dad waaweyn, wallow ay u badan yihiin dhalaan. Wararka ayaa sheegaya in dadka u dhintay cudurkaan ay u badan yihiin barakacyaasha magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Beledwayne. Ugu dambeyntii, dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah ee gargaarka ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay kaalmo degdeg ah lasoo garaan dadkan dhibaateysan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Shuban-biyood.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites