Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashriicyo lagu xoojinayo ganacsiga dalka oo la abuurayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo la kulmay Madaxda Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya,ayaa ay ka wada-hadleen sidii kor looggu qaadi lahaa Ganacsiga Soomaaliya sidoo kale looggu abuuri lahaa mashaariic lagu horumarinaayo Ganacsatada dalka.

Wasiirka iyo Madaxda Baanka Aduunku,waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay horumarinta Awooda, jiritaanka iyo hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliya iyada oo loo maraayo hababka casriga ah ee loo horumariyo ganacsiyada Aduunka (Digital Uplift Project). (SCALED-UP).

Injineer Cabdullaahi Cali Xasan oo uu wehelinaayay ,Axmed Cilmi Muxumed oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS, ayaa madaxda Baanka Adduunka uga mahad-celiyey kulankan qiimaha badan, waxayna isku Af-garteen in si wada-jir ah looga shaqeeyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya.

Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 6 people, people standing and suit

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this