Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo soo jeediyey hab cusub oo lagu ciribtiri karo Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Caasimadda Online)– Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa sheegay in dadka xagjirka ay caqabad ku yihiin nabadda, degenaanshaha iyo wada noolaanshaha dadka ku nool Geeska Afrika.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto, gaar ahaan Al-Shabaab, isagoo xusay haddii si qoto dheer loo fiiriyo xal waara laga gaari karo, waxaana uu tilmaamay in aad looga gaabiyay arrintaas.

“La dagaalanka fikirka Xagjirka ah iyo nabadgelyadooda ma ahan daawadooda in lala dagaalamo Militari ahana, waa in si kobac dhaqaale lagula diriro oo dadka inta la qaldayo laga gooyo”ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in la isku xiro masaaliixda dadka ku nool geeska Afrika, isla markaana wax laga bedelo isu socodka xuduudaha, dadka iyo danaha is dhex galaan, si nabadda loo ilaaliyo.

Munaasabaddii  loogu sameeyay magaalada Nairobi Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo C/weli Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada Soomaalida ee Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this