Sign in to follow this  
Deeq A.

Baallayaashii NISA oo Lagu Waaberiistay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaka, salaaddii subax waa qaraxyo isdabajoog ah lala eegtay baallayaasha ay NISA ku xirtay Kaamirooyinka ee qeybo ka mida wadada dheer Maka Almukrama, ee bartamaha Muqdisho.

Kaamirooyinkan oo ah “Security Camera”, ayaa ku teedsan Jidkaasi, waxaana muuqato in aaney jirin cid ka warqabtay goorta lagu xirayey qaraxyada, taasi oo su’aal ka keeni karta, ujeedka laga lahaa iyo sababta aan loo ilaalin.

Agaasimaha NISA, Fahad Yaasin Xaaji oo fikradda kaamirooyinka lahaa, waxaa uu rumeysnaa in wax badan ka tari-doonaan ammaanka gobolka Banaadir, laakin hadda waxaa uuba  sugi waayey amniga Kaamirooyinka.

Ma jirto wali wax wara oo ka baxay laamaha ammaanka dowladda oo ay kaga hadlayaan qaraxyadan lagu gubay kaamirooyanka qarsoon ee lagu xiray hareeraha wadada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this