Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida Ku Nool Shiinaha Oo Dalbatay Gurmad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay gargaar la soo gaaraan.

Ardaydan oo qaarkood la hadlay warbaahita VOA ayaa sheegay in ay  ku go’doonsanyihiin magaalada Wuhan oo ah halka uu ka dilaacay virus-ka Coronavirus waxa ayna sheegeen in aysan guryahooda ka soo bixi karin.

Dhanka kale Safiirka dowladda Federaalka ee dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada uu cudrka ka dilaacay ay badqabaan.

Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hey’adaha caafimaadka ay ardayda Soomaaliyeed siiyeen talaabooyin caafimaad.

Dowladaha ay muwaadiniinta ka joogaan magalada Wuhan ayaa bilaabay daad guraynta muwaadiniintooda, iyada oo ardayda Soomaaliyeed aysan wali helin gurmadkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this