Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaasha Baarlamanada Soomaaliya iyo Burkina Faso oo qodoba isku afgartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Burkina Faso ayaa Caasimadda dalkaasi waxa uu kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa isku afgartay siddii xiriir khibrad isweydaarsi ah u sameysan lahaayeen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulankooda ka dib ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Algeria Suleymaan shaneyn waxu uu faah faahiyay waxa ay isku afgarteen.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirxmaan ayaa sheegay in Kulanka inta uu socday la isku afgartay In la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo wada shaqeynta labada baarlamaan.

Kulanka waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la qaadanayo madaxda ka qeyb galeysa shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee ka socda Magaaladda Aougadougou ee Caasimadda Dalka Burkina Faso.

Shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa lagu wadaa in la so geba-gabeeyo Khamiista maanta ah islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed qodobaysan oo lagu faahfahainayo waxyaabihii looga hadlay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaasha Baarlamanada Soomaaliya iyo Burkina Faso oo qodoba isku afgartay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this